Xildhibaan ka badbaaday qarax gaarigiisa lagu xiray.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ka badbaaday Qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay agagaarka Wadada Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho.
Gaari noociisa uu yahay Hilux oo uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ku qarxay afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama, xilligaas oo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow la sheegay inuu ku jiray Carwo aan sidaas uga fogayn goobta uu qaruxu ku dhacay.
Labo ruux oo la sheegay inuu mid ahaa darawalkii gaariga kan kale uu la saarnaa gaariga Xildhibaanka ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo sidda ay xaqiijiyeen dadka goob joogayaasha ah.
Ciidamada Ammaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxayna damiyeen gaarigii Qarxay oo xiligaasi gubanaayay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca Qaraxy lagu xiro gawaarida, waxaana inta badan Mas’uuliyadda Qaraxyaddaasi sheegta Ururka Al-Shabaab.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *