Xildhibaanka Kimilili oo ka soo horjeestay sharciga sinnaanta Jinsiyadda

Mudanaha laga soo doortay degaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Barasa ayaa si adag uga hadlay mooshinka la doonayo in galinka dambe ee maanta uu ka doodo baarlamaanka.
Dooddan ayaa ku saabsan sida sara loogu soo qaadi karo tirada haweenka ee xubnaha ka ah golaha qaran ee sharci dejinta.
Dastuurka wadanka u degsan ayaa dhigaya in loo baahanyahay sinnaan jinsiyadeed oo wax ka badan laba meelood saddex meel tirada xubnaha aysan ka soo wada jeedi karin hal jinsiyad ah.
Hasa ahaate Mr. Barasa ayaa ku doodaya in meel marinta sharcigan ay horseedi karto in la soo magacaabo haween ay isu dhowyihiin ama sida uu hadalka u dhigay xariir kala dhexeya hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay suuragal tahay inaan la soo xulan haween xoogga saaraya wax u qabashada dumarka ku nool degaanada kala duwan.
Xildhibaanka laga soo doortay degaanka Garissa Township ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Mr. Aadan Barre Ducaale ayaa mooshinkan baarlamaanka horgeeyay.
Hindise sharciyeedkan ayuu mudanaha ku soo jeediyay in haweenka si gaar ah loo soo magacaabo iyadoo la eegayo aqlabiyadda xisbiga siyaasadeed ee soo xulanaya uu ku leeyahay baarlamaanka.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Willaim Ruto ayaa labaduba dhawaan xildhibaanada ka codsaday inay meel mariyaan sharcigan si loo haleelo qoondada haweenka ee dhanka hoggaanka ah.
Sido kale hoggaamiyaasha urur weynaha mucaaradka Nasa ee kala ah Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka ayaa mudanayaasha kula taliyay inay ansaxiyeen sharci ay ku tilmaameen mid lagama maarmaan ah oo la doonayay in xili hore qalinka lagu duugo oo uu dhaqangalo.
Baarlamaanka dalka ayaa waxaa hadda xubno ka ah 75 xildhibaan oo haween ah.
22 laga soo doortay degaan baarlamaneedyada , 6 la soo magacaabay iyo 47 ah wakiilada haweenka ee maamul goboleedyada.
Aqalka sare ee dalka ayaa waxaa ka tirsan 3 haween oo la soo doortay iyo 18 xisbiyada ay soo magacaabeen.
Marka Kenya loo barbardhigo wadamada kale ,baarlamaanka Rwanda xildhibaanada ka tirsan ayaa boqolkiba haween ah 61, Tanzania iyo Burundi tiradaasi ayaa ah boqolkiba 36 ,Uganda waxay tiradaasi u dhigantaa boqolkiba 34 halka Kenya ay tahay 22 .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *