Baarlamaanka oo amray in la baaro eedeymo ku aaddan in mudanayaasha qaar la laaluushay

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan awoodaha ayaa waaxda dembi baarista ee DCI-da iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ku amray inay dabagal ku sameyaan eedeymo loo soo jeediyay xildhibaanada qaar oo ahaa inay laaluush qaateen.
Eedeyntan ayaa soo baxday kadib markii xubnaha golaha sharci dejinta ay dhinac isaga dhigeen warbixin ay soo saareen guddiyada ganacsiga iyo beeraha.
Waxaa warbixinta lagu eegayay sonkor kontarabaan ah oo la sheegay in wadanka la soo geliyay.
Mudanayaasha qaar oo la farfiiqay ayaa la sheegay inay qaateen lacago laaluush ah oo u dhexeya 10,000 ilaa iyo 20,000 oo shilin in kastoo ay iska fogeyeen.
Guddoomiyaha guddiga awoodaha ee baarlamaanka Justin Muturi ayaa DCI iyo EACC u soo jeediyay inay muddo 90 maalmood gudahood ku soo gudbiyaan warbixino dhameystiran.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *