Booliska caalamiga ee Interpol oo madax cusub loo doortay

Kim Jong Yang oo dhalasho ahaan ka soo jeedo kuuriyada koonfureed ayaa loo doortay madaxa booliska caalamiga ee Interpol.
Waxaa uu noqonaya mas’uulkii lixaad ee hoggaamiya ciidamadan.
Mr. Kim oo xilkan si ku meel gaar ah u sii hayay ayaa madaxa Interpol ahaan doono muddo laba sano ah.
Waxaa maanta lagu soo doortay shir sannadla ah oo Interpol ay ku yeelatay magaalada Dubai .
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay dharbaaxo ka dhan ah dowlada Ruushka oo dadaal ugu jirtay in la doorto musharax u dhashay oo lagu magacaabo Alexander Prokopchuk.
Madaxii hore ee booliska caalamiga ee Interpol, Meng Hongwei ayaa iscasilay kadib markii bishii sagalaad ee sannadkan lagu xiray Shiinaha maadaama lagu eedeyay musuqmaasuqa iyo laaluush qaadasho.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *