Booliska oo raadinaya koox weerar ka geysatay Kilifi

Ciidamada ammaanka ee degaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ayaa lagu soo waramayaa inay ku raadjoogaan dabley xalay weerar geysatay.
Falkaasi ayaa lagu afduubtay haweeney ka mid ah muwaadiniinta Talyaaniga oo ka shaqeynaysay howlaha gargaarka.
Rag hubeysan oo ay boolisku ku tilmaameen burcad ayaa xalay weeraray goob ganacsi oo ku taallo degmada Chakama oo masaafa dhan 80 kiilomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada Malindi.
Booliska ayaa sheegaya in la dhaawacay 5 qof oo laba ay carruur yihiin.
Dhaawaca ayaa la geyay isbitaalka degaanka Malindi waxayna wararku sheegayaan in laba ka mid ah ay xaaladoodu liidato.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *