DHACDO Layaab leh: Waalid u dilay gabadhooda buunda hoose ay keentay awgeed.

Ciidamada booliska ismaamulka Bungoma ayaa bilaaway gabadh 15 jir oo ku dhimatay gacmaha waalidkeeda.
Dad daris la ah gabadha la dilay oo lagu magacaabo Abigael Namukhosi ayaa sheegay inay habeenka axada ay wakhti ku soo qaadatay guriga saaxibkeed.
Wararka kale ayaa sheegayaan in la dilay gabadha kadib markii ay ku guul dareysatay inay natija wanagsan ka keento imtixaanka dugsiga hoose dhexe ee KCPE-da.
Balse si badaxbanaan looma xaqiijin karo dhacdadan oo ah inay u dhimatay gacanta waalidkeed ama uu dilay saaxibkeeda.
Abigael, oo imtixaanka ka qaadatay dugsiga hoose dhexe ee Ndalu ayaa kentay buundada 277.
Mr Michael Simiyu, oo daris la ah ayaa sheegay in aabaha dhalay gabadha oo lagu magacaabo Meshack Barasa uu garaacay gabadhiisa kadib markii ay guriga imaaday.
Sida ay sheegayaan qaraabadeeda iyo dariska, gabadha ayaa guriga ka tagtay casirkii iyadoo waalidiinteedana ay raadinaayenn ilaa xiligaas.
Taliyaha booliska ee waqoyiga Bungoma Stephen Mwoni ayaa sheegay in gabadha la keenay isniintii.
Wuxuu taliyahu intaa ku daray in aabaha uu gabadhiisa u adeegsaday ul kadibna uu soo gaaray dhaawac halis ah.
Gabadha dibanaha ah ayaa loo qaaday xarunta caafimaad ee Ndalu halkaas oo ay ku geeriyootay.
Hooyada dhashay gabadha oo lagu magacaabo Gertrude Barasa ayaa la geeyay saldhiga booliska ee Ndalu, iyadoo laamaha amaanka ay bilaaween raadinta aabaha dhalay gabadha.
Meyda gabadha ayaa la geeyay goobta la dhigo meydadka ee Cottage mortuary.
BY:Anwar Mohamed

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *