
Hay’adda badbaadada Carruurta ee Save The Children ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Carruur ay tiradoodu gaareyso 85,000 ay macluul ugu dhinteen wadanka Yemen oo sannadihii ugu dambeeyay ay ka taagnayeen dagaalo ragaadiyay.
Hay’addan ayaa sheegtay in muddo saddex sano ah carruur badan oo ay da’dooda ka hooseyso 5 sano ay u dhinteen cuduro aanan laga daweynin sida nafaqa darrada .
Intii u dhexeysay bishii afaraad ee 2015-kii ilaa iyo bishii hore ee Oktoobar waxay Save The Children shaaca ka qaaday inay dhinteen 84,701 oo qof kadib markii ay soo foodsaartay cunno la’aan.
Arrintan ayaa imaansa iyadoo boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dowlada isutaga imaraadka carabta ay ballanqaadeen inay 500 oo milyan oo doolar ku tageerayaan howlaha gargaarka bani’aadanimo ee Yemen.