Maraykanka oo difaacay cilaqaadka kala dhexeeya Sacuudi Carabiya

Hoggaamiyaha Maraykanka Donald Trump ayaa si weyn u difaacay xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya boqortooyada Sucuudi Carabiya in kastoo xukuumada Riyaadh ay wajahayso cadaadis iyo dhaleeceyn caalami ah oo lagu saarayo dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.
Mr. Trump ayaa Sacuudiga ku tilmaamay saaxiib daacad ah maadaama boqortooyadu ay ogolaatay maalgelintii Maraykanka ee ugu badnayd.
Mr Khaashuqji ayaa 2-dii bishii Oktoobar waxaa lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul ee Turkiga.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mara ykanka, Mike Pompeo, ayaa dhankiisa sheegay in kastoo Sacuudiga la dhaliilayo hadana uu Maraykanka kala dhaxeeyo xariir adag.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *