Nuurdiin Xaaji oo ka hadlay toogashadii Idiris Mukhtar

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin wax habacsanaan ama fududeysi ah oo jirta oo ku saabsan soo afjaridda toogashadii Idiris Aadan Mukhtar.
Mr. Mukhtar oo loo qaaday dalka India si uu u helo daryeel caafimaad oo dheeraad ah ayaa ahaa wasiirkii maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaale ee ismaamulka Garissa waxaana uu dhaawac culus soo gaaray bishii sideedaad ee sannadkan kadib markii lagu toogtay magaaladatani Nairobi.
Nuurdiin Xaaji oo xalay waraysi gaar ah siiyay telefishinka maxaliga ee Citizen ayaa beeniyay eedeymo loo soo jeediyay oo ah inuusan ku tallaaba qaadin wax ka qabashada falkaasi.
Mr.Xaaji ayaa hoosta ka xariiqay in go’aamada uu ka qaato kiisaska kala duwan ay yihiin kuwo ku saleysan caddeymaha loo soo gudbiyo kana madax bannaan eexasho, daneyn iyo nin jecleysi.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in caddeymahaasi la doonayo inay ka yimadaan waaxda dembi baarista ee DCI-da.
Shacabka Kenyaanka ah ayuu u ballanqaaday in markii lagu wareejiyo faaylka baaritaanada iyo caddeymaha la xariira kiiskaasi uu qaadi doono tallaabada habboon.
Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa caddeeyay inaysan jirin arrin ka hor istaagi karta inuu kiis maxkamadda geeyo hadii ay jiraan caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo.

Aabaha Idiris Aadan Mukhtar ayaa waaxda dacwad soo oogidda ku eedeyay cagajiid arrinkan la xariira.
Agaasimaha ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay in damiin lagu siidaayay barasaabka ismaamulka Migori Mr. Okoth Obado oo lagu eedeyay dilkii Sharon Otieno.
Mr. Xaaji ayaa waaxda garsoorka ee dalka ugu baaqay inay garab ku siiso la xisaabtanka eedeysanayaasha lala xariiriyo falal dembiyeedyada kala duwan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *