
Golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa sheegay in sannadkan ay sara u kacday tirada dadka waweyn ee u fariistay imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Waxaa sannadkan KCPE-da sameeyay 32,515 qof oo ay da’doodu tahay 19 sano iyo wax ka sareeya halka sannadkii hore ay tiradaasi ahayd 30,306 .
Dadkan ayaa waxaa ka mid ahayd Veronica Kaleso, oo 68 sano jir ah oo ka soo jeeddo Makueni.
Ismaamulka Turkana ayaa ugu badan tirada dadka waweyn ee KCPE-da u fariistay waxayhna ahayeen 3,470 , waxaa soo raacda Kilifi oo lagu sheegay 3,238 iyo Bungoma 1,652