Tirada dadkii ku dhintay weerarkii Kabul oo 55 gaartay

Waxaa sara u sii kacday tirada dadkii ku dhintay weerar shalay laga fuliyay caasimadda wadanka Afghanistan ee Kabul iyadoo ilaa iyo hadda ay ku dhinteen 55 qof.
Sarakiisha ammaanka ayaa ku howlan inay ogadaan cidii falkaasi ka dambeysay kadib markii kooxda Talibaan ay iska fogeysay inay fulisay.
Dhibanayaasha ku waxyeeloobay weerarkan ayaa isugu jiray wufuud diimeed oo ka yimid wadamo badan kadib markii uu casuumaad u fidiyay golaha sare ee culimada Afghanistan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee dalka Afghanistan oo lagu magacaabo Wahid Majroh, ayaa sheegay inay sido kale dhaawacmeen in badan 70 qof.
Qaraxan ayaa lala beegsaday isku soo bax ay isugu yimadeen culimo sarsare oo loogu dabaaldegayay dhalashada nabi Maxamad naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaate.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Najib Danish ayaa sheegay in nin isa soo miidaamiyay uu halkaasi isku qarxiyay.
Madaxweynaha Afghanistan ,Ashraf Ghani ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi wuxuuna ku dhawaaqay maanta inay tahay maalin la sameynayo baroordiiq qaran waxaana hoos loo dhigaya calamka wadankaasi.
Ilaa iyo hadda ma jirta cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *