Xildhibaanada baarlamaanka oo ku kala qeybsan ansaxinta sharciga jinsiyadda

Waxaa galinka dambe la filaya in maalinkii labaad baarlamaanka dalka uu yeesho dood lagu kala qeybsamay oo ku saabsan meel marinta sharci la doonayo in sara loogu qaado tirada haweenka mudanayaasha ah.
Mudanaha laga soo doortay degaan baarlamaneedka Kimilili ee ismaamulka Bungoma ,Didmus Barasa ayaa ku baaqay inuu jiro nidaam lagu xaqiijinayo in haweenka xisbiyada ay soo magacaabayaan ay yihiin kuwo ka shaqeynaya danaha dumarka kenyaank ah.
Dastuurka wadanka u degsan ayaa dhigaya in loo baahanyahay sinnaan jinsiyadeed oo wax ka badan laba meelood saddex meel tirada xubnaha aysan ka soo wada jeedi karin hal jinsiyad ah.
Hasa ahaate Mr. Barasa ayaa ku doodaya in meel marinta sharcigan ay horseedi karto in la soo magacaabo haween ay isu dhowyihiin ama sida uu hadalka u dhigay xariir kala dhexeya hoggaamiyaasga xisbiyada siyaasadeed.
Xildhibaanka laga soo doortay degaanka Garissa Township ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Mr. Aadan Barre Ducaale ayaa mooshinkan baarlamaanka horgeeyay.
Hindise sharciyeedkan ayuu mudanaha ku soo jeediyay in haweenka si gaar ah loo soo magacaabo iyadoo la eegayo aqlabiyadda xisbiga siyaasadeed ee soo xulanaya uu ku leeyahay baarlamaanka.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Willaim Ruto ayaa labaduba dhawaan xildhibaanada ka codsaday inay meel mariyaan sharcigan si loo haleelo qoondada haweenka ee dhanka hoggaanka ah.
Sido kale hoggaamiyaasha urur weynaha mucaaradka Nasa ee kala ah Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka ayaa mudanayaasha kula taliyay inay ansaxiyaan sharci ay ku tilmaameen mid lagama maarmaan ah oo la doonayay in xili hore qalinka lagu duugo oo uu dhaqangalo.
Baarlamaanka dalka ayaa waxaa hadda xubno ka ah 75 xildhibaan oo haween ah.
22 laga soo doortay degaan baarlamaneedyada , 6 la soo magacaabay iyo 47 ah wakiilada haweenka ee maamul goboleedyada.
Aqalka sare ee dalka ayaa waxaa ka tirsan 3 haween oo la soo doortay iyo 18 xisbiyada ay soo magacaabeen.
Marka Kenya loo barbardhigo wadamada kale ,baarlamaanka Rwanda xildhibaanada ka tirsan ayaa boqolkiba 61 haween ah 61, Tanzania iyo Burundi tiradaasi ayaa ah boqolkiba 36 ,Uganda waxay tiradaasi u dhigantaa boqolkiba 34 halka Kenya ay tahay 22 .
Xildhibaanada haweenka ah ayaa wada olole ay ugu jiraan sidii loo badin lahaa tiradooda golaha sharci dejinta.
Guddoomiyaha ururka ay ku mideeysanyihiin siyaasiyiinta haweenka ah Purity Ngirici ayaa ku baaqday in dhinac la isaga dhigo fikradaha khaldan ee dumarka laga aaminsanyahay sidaasi awgeedna fursad loo siiyo hoggaanka.
Dhanka kale guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan awoodaha ayaa waaxda dembi baarista ee DCI-da iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ku amray inay dabagal ku sameyaan eedeymo loo soo jeediyay xildhibaanada qaar oo ahaa inay laaluush qaateen.
Eedeyntan ayaa soo baxday kadib markii xubnaha golaha sharci dejinta ay dhinac isaga dhigeen warbixin ay soo saareen guddiyada ganacsiga iyo beeraha.
Waxaa warbixinta lagu eegayay sonkor kontarabaan ah oo la sheegay in wadanka la soo geliyay.
Mudanayaasha qaar oo la farfiiqay ayaa la sheegay inay qaateen lacago laaluush ah oo u dhexeya 10,000 ilaa iyo 20,000 oo shilin in kastoo ay iska fogeyeen.
Guddoomiyaha guddiga awoodaha ee baarlamaanka Justin Muturi ayaa DCI iyo EACC u soo jeediyay inay muddo 90 maalmood gudahood ku soo gudbiyaan warbixino dhameystiran.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *