Xuduuda Kenya iyo Somalia oo ay suuragal tahay in dhawaan la furo

Xadka ay wadagaan wadamada dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya oo waayadii dambe xirnaa ayaa la filaya in dhawaan dib loo furo.
Tallaabadan ayaa sara u sii qaadi karta dhaqdhaqaaqa ganacsi ee uu hakadka ku yimid.
Wafdi isugu jira xubno ka tirsan guddiga gaashaandhigga iyo xariirka dibadda ee baarlamaanka iyo xoghayaha wasaaradda difaaca Mr. Torome Saitoti ayaa maalmo ka hor kormeer ku sameeyay dhismaha darbiga ee xadka wadamadan kala qeybinaya.
Waxaa wehelinayay saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay ku xigeenka madaxa ciidamada difaaca dalka Robert Kibochi.
Ku xigeenka barasaabka Mandhera Maxamad Caraay ayaa sheegay in amniga magaaladaasi uu hadda yahay mid sugan.
Waxaa uu mas’uulkan intaasi ku daray in xirnaanshiyada xadka Kenya iyo Soomaaliya uu bil kasta dowlada ismaamulka Mandhera ka soo gaaro gaabad dhaqaale oo ah 2 bilyan oo shilin.
Mr. Kato ole Mitito, guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa hoosta ka xariiqay inay xoogga saari doonaan in sida ugu dhaqsiyaha badan soodhintaasi dib loo furo.
Shacabka ismaamulka Mandhera ayuu ugu baaqay inay saraakiisha ammaanka garab siiyaan oo ay la shaqeyaan.
Waxaa uu ku booriyay in fal kasta oo ay ka shakiyaan ay ku wargeliyaan laamaha qaabilsan si tallaabo ka hor tag ah loo qaado.
Major E.M Kasura oo ka mid ah ciidamada difaaca dalka ayaa carrabka ku dhuftay in hareeraha xayndaabkaasi lagu rakibayo kameerada qarsoon ee CCTV-da si amniga iyo howlaha kormeerka loo xoojiyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *