DHAGEYSO: Shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya oo maanta ka qayb qaatay barnaamijka is xilkaan.

Kadib markii madaxweynaha dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo uu ku dhawaaqay barnaamijka qaran ee isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha muhiimka ah ee dowlada ayaa waxaa si dardar ah ku socda howshaas ayadoo hay’adaha dowlada ay maalinkasta si toos ah u fuliyaan.
Barnaamijka isxilqaan waxaa lagu bilaabay Tiyaatarka qaranka maalinkasta waxaa howshaas fulinaysay mid ka mid ah wasaarada dowlada Soomaaliya shalay waxaa shaqada ku qornaa shaqalaha xafiiska ra’isulwasaaraha maantana waxaa howsha fuliyay shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya.
Eng C/risaaq Jalwa oo ah la-taliyaha guud ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa faahfaahinaya howsha ay maanta qabteen iyo sidoo kale agab dhanka dhismaha ah oo ay ugu deeqeen Tiyaartaka qaranka.

Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo wacyigalinta qaranka Soomaaliya Abwaan C/laahi Cismaan Guure ayaa kadib markii uu la wareegay agabkii madaxtooyadu ku deeqday sheegay in howshaan ay mudun tahay cidwalba inay ka qayb qaadato isagoo xafiiska madaxweynaha mahad u celiyay.

Barnaamijka qaran ee dalka Soomaaliya dib loogu dhisayo ayuu madaxweyne farmaajo ku dhawaaqay dabayaaqadii bishii sideedaa dhismaha Tiyaatarka qaranka ayaana hada ku socda dardar xoogan ayadoo markii hore la sheegay in lagu dhamayndoono mudo sagaal bilood ah

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *