DEG DEG: Chelsea oo heshiis cusub oo shan sano ah ka saxiixatay N’Golo Kante

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah shabakadeeda ugu shaacisay maanta in N’Golo Kante ay ka saxiixatay heshiis cusub.
Heshiiskan ayaa waxuu Kante garoonka Stamford Bridge ku sii haynaaya kooxdaasi ilaa 2023.
Maamulka kooxda Blues ayaa hada soo afjarte rajada ay kooxaha reer yurub ka qabeen saxiixa reer france.
N’Golo Kante ayaa kooxdan ku soo biiray sanadii 2016, isagoo kaga soo biiray kooxdiisii hore ee Leicester City.
Laacibkan ayaa kooxdiisi hore ee Leicester ka caawiyay inay hantaan horyaalka Premier League sanadii 2013-kii.
Xidigan ayaa waxaa aad u doonaayay adeegiisa kooxaha Barcelona iyo Paris St Germain, taasi ayaana ku qasabtay in laacibkan ay heshiis shan sano ah ku abaalmariso.
Isagoo ka hadlaaya heshiiskan cusub ee uu u saxiixay kooxdiisa Chelsea ayuu yiri
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan mustaqbalkeyga ciyaareed ku sii wato Chelsea, waa labo sano ee qurux badan, waxaana rajeenayaa inay imaan doonto wax intaas kasii badan”.
“Tan iyo markii aan halkan imid, si buuxda ayaan u fiicnaaday ciyaaryahan ahaan kubada cagta, waxaan ku guuleestay abaal marino badan ee aan waligey ku riyoonin, waxaan jeclahay magaaladan, waan jeclahay kooxda, waan ku faraxsanahay inaan halkaan joogo”.
Waxaa hadda soo afjarmay baacsiga loogu jiray laacibkan ku wanaagsan dhanka qatka dhexe.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *