Maamulka Jubaland oo digniin u diray dadka daawooyinka ka ganacsada.

Maamulka Jubbaland ayaa digniin u diray Ganacsatada iyo dhaqaatiirka ka howlgasha deeganada maamulkaas ee iibinaya daawooyinka aan la hubin tayadooda oo ay ka dhalan karto dhibaato dhanka caafimaadka ah.
kulankii Golaha Wasiirada ee maamulka Jubbaland ay shalay ku yeesheen magaalada Kismaanyo ayaa lagu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka aysan tayadooda wanaagsanayn ee laga Ganacsado sidoo kalena ay dhaqaatiirtu dadka siiyaan iyo cunooyin kale oo qaarna xiligoodu dhacay kuwo kalena aysan tayadoodu gaarsiisnayn heerkii loogu tala galay.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Ganacsatada qaarkood ay keenan deegaanada maamulka Jubaland Dawooyin dhacay loona baahan yahay in laga hortago arintaasi.
Waxa uu sidoo kale Tilmaamay inaan marnaba la ogolaan doonin in dadka laga iibiyo dawooyin aan la hubin tayadooda iyo raashinka sidoo kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *