Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay ururada rayidka

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa kulan la qaatay ururada rayidka , kuburada ku takhasuay sharciga, maamul wanaagga , maamulka iyo hay’adaha u ololeeya xuquuqul aadanaha.
Wasiirka ayaa shacabka kenyaanka ah iyo ururada kala duwan ugu baaqay inay saraakiisha ammaanka garab ku siiyaan howlaha ay hayaan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday sida uu hadalka u dhigay in meesha laga saaro eedeynta loo soo jeediyo booliska ee ah inay geystaan dilal sharci darro ah.
Dr. Matiangi ayaa carrabka ku dhuftay in sido kale loo baahanyahay in la cambaareeyo kooxaha burcadda ah ee dhibaateeya ciidamada .
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ka wasaarad ahaan ay ka go’antahay la shaqeynta hay’adaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha si baaritaanada loo soo dhameystiro .
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo maxkamadda la geeyay dacwad ay gudbiyeen 22 haween ah oo ku doodaya in wiilal ay dhaleen iyo sido kale raggii ay wada noolayeen lagu dilay howlgalo ay boolisku sameyeen oo sharciga aanan waafaqsanayn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *