3 qof oo u dhashay Shiinaha oo lagu eedeyay inay isku dayeen faragelinta baaritaanada SGR

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC u ogolaaday inuu baaritaano ku sameeyo kadibna maxkamadda geeyo 3 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Shiinaha.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa inay isku dayeen inay lacago laaluush ah siiyaan saraakiil ka tirsan waaxda dembi baarista ee DCI-da.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Li Gen oo ah madaxa arrimaha gaadiidka ee dhismaha mashruucda marinka casriga ee tareenada ee SGR ,Li Xiaowu oo ah maamulaha dhinaca amniga iyo Sun Xin oo ka mid ah shaqaalaha gacanta ku haya dhismahaasi.
Saddexduba waxaa lagu eedeyay inay isku dayeen inay farageliyaan baaritaanada ku aaddan marinka SGR.
Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa sheegtay in eedeysanayaasha ay doonayeen inay bixiyaan 500, 000 oo laaluush ah si aanan looga sal gaarin cabashooyin ku aaddan takoorka oo ka dhashay dhismaha mashruucan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *