4 sarkaal oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Istanbul

Duqa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Cali Yerlikaya ayaa sheegay in 4 sarkaal ay ku dhinteen halka mid kalena uu ku dhaawacmay burbur diyaaradeed oo maanta dhacay.
Mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee militariga ayaa ku burburtay bartamaha Istanbul.
Ilaa iyo hadda lama ogaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhacdadaasi.
Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa ku warameysa in wasiirka gaashaan dhigga ee Turkiga Hulusi Akar lagu wado inuu tago goobta ay diyaaraduu ku dhacday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *