Darasaad lagu ogaaday in carruur badan uu saameeyay firuusiga HIV-da

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in muddo hal sano oo la soo dhaafay ay sara u kacday tirada carruurta ee uu saameeyay firuusiga keena cudurka AIDS-ka ee HIV-da.
Warbixintan ayaa loogu magacdaray horumarka 2018-ka laga gaaray la tacaalidda AIDS-ka waxaana ku xusan in kiisaska cusub ee la soo tabiyay oo dhan 7,978 ay saameyeen da’ayar 14 sano jir ah.
Tiradan ayaa sannadkii 2016-kii ahayd 7,105 kiis iyadoo wiilasha uu ku dhacay firuusiga HIV-da ay gaarayaan 4,044 halka gabdhaha ay tiradoodu tahay 3,935.
Kiisas dhan 52,800 oo la diiwaangeliyay sannadkii hore 8,000 oo ka mid ah waxaa lagu sheegay carruurta ay da’dooda ka yartahay 14 sano tani oo ay micnaheedu tahay in maalin waliba la soo tabinayay 20 kiis oo cusub.
Kala bar tirada carruurta ee laga helay HIV-da waxay ka soo jeedaan 7 ka mid ah maamul goboleedyada dalka sida Homa Bay ,Siaya ,Kisumu ,Nairobi ,Migori ,Kakamega iyo Nakuru .
Waxaa kale oo warbixintan lagu sheegay in boqolkiba 11 .5 ee hooyooyinka ay carruurtooda u gudbiyaan firuusiga waxaana ugu badan ismaamulka Wajeer oo lagu qiyaasay boqolkiba 32 , waxaa soo raacda Mandhera oo ah boqolkiba 31 ,Garissa boqolkiba 28 iyo Marsabit oo ah 23.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *