Shir ku saabsan kheyraadka biyaha oo maanta ka furmayo Nairobi

Waxaa maanta magaaladatani Nairobi gaar ahaan xarunta shirararka caalamiga ee KICC ka furmaya shir caalami ah oo looga hadlayo sida looga faaiideysan karo kheyraadka biyaha.
Kulankan ayaa socon doono ilaa iyo 28-ka bishan oo ku beegan maalinka arbacada ah.
Dowlada ayaa sheegtay inay shirweynahan ka soo qeyb galayaan mas’uuliyiin matalaya ilaa iyo 180 wadan oo ka mid ah kuwa caalamka.
Hay’adda cunadda adduunka ee FAO ayaa martigelinta kulankan ugu deeqday 10 milyan oo shilin, hay’adda horumarka ee qaramada midoobay ee UNEP wuxuu ku taageeray 10 milyan halka hay’adda Ocean Foundation ay bixisay 150 milyan oo shilin.
Marti gelinta shirkan waxaa iska kaashanaya wadamada Kenya, Japan iyo Canada.
Waxyaabaha la qorsheeyay waxaa ka mid ah kulamo ganacsi iyo aqoon isweydaarsi ku saabsan cilmi baarista iyo sayniska.
In ka badan 60 shirkadood ayaa soo bandhigi doono badeecado kala duwan.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa sheegtay inay shirka ka soo qeyb galayaan 11,571 oo wufuud ah.
Waxay raja wanaagsan ka muujisay inuu Kenya iyo wadamada kale u horseedi doono ka faaiideysiga kheyraadka biyaha.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Ms Kanze Dena ayaa carrabka ku dhufatay khasaaraha dhaqaale ee sannad waliba dowladda ka soo gaaro falalka aanan la xakameynin ee laga sameeya badaha iyo guud ahaan goobaha biyaha

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *