Dowlada oo kordhin doonto lacagaha la siiyo wayeelada

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Ukur Yatani ayaa sheegay in dowladu ay kordhin doonto qiimaha lacagta ah ee bil waliba la siiyo wayeelada.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in iyadoo la kaashanayo deeq bixiyaasha caalamka sara loo qaadi doonto qarashaadka uu maamulka talada haya ee jubilee ugu talagalay inay ka faaiidaan dadka ay da’dooda ka sareyso 70 sano.
Dib u eegista lagu sameynayo barnaamijkan ayaa lagu bartilmaameedsan doonaa 710,000 qof oo kenyaan wayeela ah.
Waxaa lacagta loogu soo shubi doonaa akoontiyadooda bangiyeed maadaama meesha laga saaray nidaamkiii hore ee lacagahaasi lagu bixin jiray.
Dadka dhaqaalahan loo qoondeeyay ayaa kala xulan karo bangiyada kala ah Cooperative, Equity, KCB iyo Post Bank.
Waxaa uu wasiirku intaasi ku daray in sannadkan ay dowladu wayeelada u qoondeeysay ku dhawaad 30 bilyan oo shilin.
Mr. Yattani ayaa sheegay in qiimaha la kordhinayo la isla gartay kadib markii qiimeyn lagu sameeyay tirada dadka oo sii badaneysa iyo heerka saboolnimo oo sareeya.
Tan iyo markii la bilaabay, dowlada ayaa daryeelka wayeelada u adeegsatay 125.7 bilyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *