Shirka looga hadlayo kheyraadka biyaha oo maalinkii labaad ka socdo Nairobi

Waxaa maalinkii labaad xarunta lagu qabto shirarka caalamiga ee KICC ,magaaladatani Nairobi ka socdo kulan looga arrinsanayo sida looga faaiideysan karo dhaqaalaha ka soo xaroodo kheyraadka biyaha.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shalay si rasmi ah u furay shirka wuxuuna ballanqaaday in Kenya ay gacan weyn ka geysan doonto dejinta iyo dhaqangelinta istaraatiijooyinka lagu maareeyo badaha, webiyada iyo ilaha kale ee biyaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqaalaha laga helo kheyraadka biyaha uu sii joojin karo ganacsiga sido kalena kaalin muhiim ah ka qaadan karo in la yareeyo shaqa la’aanta haysta dhalinyaro badan oo Afrikaan ah.
Mas’uuliyiinta maanta khudbadaha jeediyay waxaa ka mid ah barasaabka ismaamulka Nairobi iyo Moussa Faki oo ah guddoomiyaha guddiga midowga Afrika.
Farxaan Cali Mukhtar oo si dhow ula socday waxyaabihii ay ka hadleen ayaa noo soo koobaya

Shirkan oo soconaya ilaa iyo berri oo arbaca ah oo ay taarikhdu ku beegantahay 28-ka Novembar ayaa waxaa ka qeyb galaya 11,000 oo wufuud ah.
Martigelinta kulanka looga arrinsanayo kheyraadka badaha, webiyada iyo ilaha kale ee biyaha ayaa waxaa kenya ku taageeraya dowladaha Canada iyo Japan oo ku deeqay min 300 milyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *