Hogaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya oo war ka soo saaray dhamaynta khilaafka dowlada dhexe iyo iyaga.

Warka ka soo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda oo hada ay ku soo hareen sadex xubnood ayaa si weyn loogu taageeray Go’aankii shalay kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ku aadana in dowladda Soomaaliya ay ka jawaabto Cabashooyinka ay qabaan maamul goboleedyada xubnaha ka ah, islamarkaana la xaliyo tabashadda maamul goboleedyadda si dib loogu soo celiyo wadashaqayntii labada dhinac.
War kasoo baxay hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadda Soomaaliya oo hadda uu Gudoomiye ka yahay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf maadaama uu iscasilay gudoomiyihii ay dhawaan doorteen ee ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa si buuxda loogu taageeray dadaallada Aqalka Sare ee ku aadan xal ka gaarida khilaafka jira.
Warqadaan ayaa lagu sheegay in goluhu si buuxda aqalka sare ugala shaqaynayo xalka gaarida waxyaabihii ay horay u tabanayeen ayadoo la ilaalinayo Dastuurka iyo xeerarka u degsan dalka Soomalaiyeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *