ARRIN LA YAAB LEH: kooxda uu Trump taageero oo la ogaaday, wuxuuna taageeraa Arsenal.

Madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee sida aadka u xiiseeya kubadda cagta.
Madaxweyne Trump ma han mid qarsada taageerida iyo jaceylka uu u hayo kubada cagta, wuxuuna horaanba ka dhawaajiyay kooxda uu taageero.
Trump oo ah shaqsi si qoto dheer u daneeyo qeybaha kala duwan ee cayaaraha aya wuxuu sigaar ah u xiiseeya kubada cagta gaar ahaan tan qaarada Europe.
Madaxweyne Donald Trump ayaa banaanka keenay taageerida waalida ah ee uu u haayo kooxda Arsenal.
Waxaa si aad ah loo xusuustaa inta uusan noqonin madaxweynaha mareykanka uu madaxda Arsenal ka dalbaday inay shaqada ka ceyriyaan Arsene Wenger oo xiligaasi maamulaayay naadiga Arsenal.
Wuxuuna trump balanqaaday xiligaas inuu bixin doono mushaarka macallinka xiga ee Gunners muddo 50 sanadood ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *