Mauricio Pochettino oo fariin cabsi ah u diray kooxda Barcelona

Tababaraha reer Argantina iyo kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa ku adkeystay inuusan is dhiibeynin ka hor kulanka ay Spurs la cayaari doonto Barcelona wareega ugu dambeeya kulamada heerka group-yada ee tartanka Champions League.
Si ay ugu gudubto wareega xiga ee 16-ka, Tottenham Hotspur ayaa laga rabaa inay ka adkaato kooxda Barcelona kulankeeda ugu dambeeya group-ka B.
Waxaa Spurs cabsi weyn ku haysaa Inter Milan oo la filaaya inay guul ka gaari karto kooxda PSV Eindhoven.
Macalinkan oo ciyaarta kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay si adag adag ugu dagaalami doonaan kulanka adag ay la qaadan doonaan kooxda Barcelona.
“Howlgalkena kulanka kooxda Barcelona, ma noqneyso waxaan macquul ahayn, sababtoo ah kubada cagta wax walba way dhici karaan”.
“Ugu horeyn waa inaan wajahnaa kooxda Arsenal, sababtoo ah waa kulan kaloo aad u adag, kadib waa inaan si adag ugu diyaar garoowno kulanka Barcelona”.
Ugu dambeyn Pochettino ayaa si weyn u amaanay qaab ciyaareedka ciyaartoyda ku sugan kooxda Barcelona, xili sidoo kale uu aaminsan yahay inay ka guuleysan karaan kulanka soo aadan.
Hadaba siday ay ukala sareeyaan kooxaha qeybta ka ah Group B–
Barcelona = 13 dhibcood.
– Tottenham Hotspur = 7 dhibcood.
– Inter Milan oo leh = 7 dhibcood.
– Eindhoven = 1 dhibic oo kaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *