Safaaradda Maraykanka ee Kongo oo la xiray

Safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay magaala madaxda jamhuuriyada dimuqaradiyadda Kongo ee DRC ee Kinshasa ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maanta aynan shaqeyn doonin khatar amni awgeed.
Arrintan ayaa timid kadib markii la helay xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan weerar argagixiso oo ay suuragal tahay in la fuliyo.
Qoraal ay soo dhigtay shabakaddeeda rasmiga ah ayay muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha DRC ugu baaqday inay feejignan dheeri ah muujiyaan.
Isniintii ayaa la xiray safaaradda waxayna sii xirnaan doontaa maalinkii afaraad.
Hasa ahaate maamulada dowlada Kongo ayaa tallaabadan ku tilmaamy mid aanan loo fiirsan waxayna ku soo beegmaysa iyadoo 23-ka bisha Disembar codbixiyayaasha DRC ay dooran doonaan madaxweyne Cusub.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *