DHAGEYSO: Madaxweynaha Hirshabeele oo soo bandhigay caqabadaha maamulkiisa haysta.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in mudadii labada sano ahayd ee uu jiray maamulkiisu uu la kulmay caqabado badan oo qaarkood dhibaatooyin laga dhaxlay.
Madaxweyne Waare oo ku sugan magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka hiiraan ayaa Tilmaamay in caqabadaha ugu badan ee ay maamulkiisu wajahayaan ay ka mid yihiin kuwa uga imaanaya dadka dagan deegaanada gobolka hiiraan kuwaasoo uu sheegay inuusan mamaulkiisu ka helin wadashaqayntii uu ka filayay.
Waxa uu tilmaamay in mashaariic badan oo la doonayay in deegaanadaas laga fuliyo aysan hirgalin ayna qayb ka tahay caqabadaha maamulkiisu wajahayo.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele ayaa maalmihii ugu danbeeyay wuuxuu ku sugnaa gobolka Hiiraan wuxuuna halkaas kulama kala duwan kula yeeshay masuuliyiinta gobolkaas dadka deegaanka iyo waxgaradka sidoo kalena waxaa lagu wadaa inuu gobolka Hiiraan ka soo dhagax dhigo mashaariic dhanka hormarka ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *