Maalinka naafada adduunka oo caalamka laga xusayo

Waxaa maanta guud ahaan caalamka laga xusaya maalinka adduunka ee loo dabaaldego naafada.
Hay’adda caafimaadka adduunka , WHO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in maalinba maalinka ka sii dambeeya ay sii kordheyso tirada dadka uunan lixaadka u dhameystirnayn.
Sannadkii 1992-dii ayay qaramada midoobay 3-da bisha Disembar u asteysay in sannad kasta la xuso maalinka naafada adduunka.
WHO ayaa intaasi ku dartay in ugu yaraan hal bilyan oo ka mid ah 7 bilyan oo qof oo caalamka ku nool ay naafayo yihiin.
Boqolkiba 80 ee dadkan waxay ku noolyihiin wadamada uu dhaqaalahooda soo kobcayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *