Madaxweynaha dalka oo sheegay in boqolkiba 30 miisaaniyadda qaran loo qoondeynayo waxbarashada

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladda ay boqolkiba 30 miisaaniyadeeda qaran ee sannadlaha ah u qoondeyn doonto arrimaha tacliinta.
Arrinkan ayuu shaaca kaga qaaday khudbad uu ka jeediyay dalka Koonfur Afrika oo ay daawanayeen kumannaan ka mid ah dhalinyarada qaaradda Afrika.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka talada haya ee jubilee uu boqolkiba 30 kordhin doonto dhaqaalaha loogu talagalay barnaamijyada waxbarashada in kastoo heerka caalamiga ee qarashkan uu yahay boqolkiba 20.
Bishii sagalaad ee sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta loo magacaabay horyaalka caalamka u qaabilsan ka shaqeynta ajeendayaasha loogu talagalay dhalinyarada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *