Ciidamada ku sugan deegaanada Galmudug oo DHuusamareeb looga wacay.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dhamaan saraakiisha ciidanka ee ku sugan deegaanada Galmudug amar lagu siiyay inay yimaadaan magaaladaasi dhuusamareeb.
Sarakiil ka tirsan booliska iyo kuwa 21-aad ee ku sugan deegaanada galmudug ayaa looga yeeray dhuusamareeb waxayna wararku sheegayaan anay qayb ka tahay qorshe socda oo lagu doonayo in deegaanada gobolada Mudug iyo Galgaduud looga saaro dagaalameyaasha AL-shabaab.
Arintaan ayaana imaanaysa ayadoo dhawaan madaxweynaha maamulka Galmudug uu sheegay in la qaadayo dagaal AL-shabaab ka dhan ah.
Dhanka kale wararka ka imaanaya deegaanada dhaca bariga gobolka galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu arkay diyaarado dagaal oo dul heehaabaya meelaha ay ku sugan yihiin xooggaga AL-shabaab.
Ilaa iyo hada lama soo sheegin wax duqaymo ah oo halkaas ka dhacay balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay arintaan cabsi ku beertay maadaama ay deegaanadaas AL-shabaab Fariisimo ku leeyihiin.
Deegaanada ay diyaaraduhu dulmeerayaan waxaa lagu sheegay magacyadooda Ceelgaras,Ceelqooxle,Xiindheer iyo ceel lahelay oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *