Sharciga la dagaalanka musuqa oo maanta looga doodayo Kulanka aqalka sare ee Soomaaliya

Xubnaha Aqalka Sare ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa Talaada maanta ah waxaay Xaruntooda ku yeelanayaan kulan xasaasi ah oo looga hadlayo qodobo dhowr ah.
Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta meel marinaya Hindisaha Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxa-banaan kaas oo Xubnaha Aqalka Sare horay uga doodeen kadib markii loo soo gudbiyay.
Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka dowlada Fedraalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Aqalka Sare ka sheegay inaan la dhisi Karin Guddiga la-dagaalanka wax isdaba amrinta ilaa laga ansixiyo Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa.
Guddoonka Golaha iyo Xubno kale ee Aqalka Sare waxay xiligaasi wasiirka u soo bandhigeen qodobo u baahan in wax laga bedelo, sida cidda awoodda u leh magacaabista iyo ansixinta Guddoonka Sare ee Guddigaas.
Maanta oo talaado ah ayaa la filayaa in Xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan Hindisaha qeexaya Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa si loo dhiso Guddiga la-dagaalanka wax isdabamarinta Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *