Dowlada oo dadka haysta hubka sharci darrada ah u qabtatay saddex bilood

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muddo 90 cisho ah loo qabanayo cid waliba oo haysata hub aanan sharciyeeysanayn si ay dowlada ugu soo dhiibto hadii kale tallaabo adag laga qaadayo.
Laga bilaabo 17-ka bishan Disembar waxay dowladu guda galeysa xaqiijin ku saabsan hubka diiwaangashan ee la isticmaali karo.
Waxaa bayaanka qeyb ka ah in isticmaalka hubka oo aanan si dhow loola socon ay keentay inay sara u kacaan falal dambiyeedyada , dhaca xoolaha , ugaarsiga duurjoogta iyo khaladaadka kale.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi uu soo magacaabay guddi cusub oo qaabilsan xakameynta iyo kormeerka lagu sameeyo adeegsiga hubka.
Sido kale abaanduulaha booliska Mr. Joseph Boinnet ayaa guddoomin doono turxaan bixin lagu sameynayo booliska keydka si loo xaqiijiyo inaysan dembiilayaal ka mid noqon waaxdaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *