Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo maanta kulmaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan xasaasi ah ku yeelanayaan Magaala madaxda soomaaliya ee Muqdisho.
Kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoominaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan.
Ajandaha kullanka ayaa ah in laga hadlo akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka Leelitirka, waxaana loo ballansanyahay in xildhibaanada golaha Shacabka ay ka doodaan hindise sharciyeedkaani.
Kulanka maanta ayaa ka duwan kulamadii hore, tan iyo markii Gudiga maaliyada Golaha Shacabka ay Golaha horkeeneen warbixin maaliyeed, taasi oo ay ku sheegeen in xukuumada ay musuq maasuq ku kacday, arintaasi waxaa ay keentay in kulanka golaha shacabka uu baaqdo.
Maalmihii dambe waxaa jiray khilaaf u dhexeeyay Guddoonka iyo xildhibaano qaar oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Kulan ay shalay yeesheen Guddiga joogtada ayaa looga hadlay go’aanka uu golaha shacabka ka qaadan karo kala dirista guddigii Maaliyada .
Gudoomiye Mursal ayaa Xubnaha Guddiyada u sheegay in arrinta kala dirida Guddiga Maaliyadda Golaha uu si deg deg ah u horkeeni doono Golaha,isla markaana si Dastuuri ah loogu kala bix doono.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *