Maxkamad ku taallo Nigeria oo amartay in la soo xiro wasiir hore

Maxkamad uu fadhigeedu yahay dalka Nigeria ayaa go’aamisay in xabsiga loo taxaabo wasiiradii hore ee wasaaradda shidaalka Diezani Alison-Madueke.
Mas’uulkan ayaa lagu eedeyay inay sameeysay khiyaano dhanka lacagaha ah iyo musuqmaasuq.
Garsoore Valentine Ashi oo ka howlgasho maxkamada sare ee Nigeria ayaa laamaha ammaanka u qabatay muddo 72 saacadood oo ay haweeneydan ku soo xirayaan maxkamadana hor keenaan.
Dowlada Nigeriya ayaa la wareegtay guriyo badan oo haweeneydan lala xariiriyay iyo akoontiya bangiyeed oo xayiraad la saaray in kastoo ay iska fogeysay waxyaabaha lagu eedeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *