NATO oo u digtay Ruushka

Wadamada xubnaha ka ah isbahaysiga gaashaanbuurta NATO ayaa digniin u diray dowlada Ruushka oo ay ku eedeynayaan inay jebisay heshiiskii xakamaynta gantaalada riddada Dhexe.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Maraykanka uu Ruushka u qabtay muddo kama dambeys ah oo 60 maalmood ah in ay dib ugu soo laabtaan u hogaansamidda heshiiskii xakamaynta hormarinta gantalada riddada dhexe ee la saxiixay sannadkii 1987.
Xukuumadda Washington ayaa ku hanjabtay in haddii aysan Ruushka arrintaas samayn ay heshiiska ka bixi doonaan.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa hadalkan ka sheegay shirka wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada gaashaanbuurta NATO ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Heshiiskan gantaalada riddada dhexe ee Ruushka lagu dhaliilayo inuu ku tuntay ayaa udub dhaxaad u ahaa xakamaynta hubka xilligii dagaalkii qaboobaa ee laga magacbaxay Cold war.
Waxaa heshiiskani meesha looga saaray dhamaan madaafiicda goobta ee ridadoodu u dhaxeyso 500 ilaa 5,500 oo kiilo Mitir.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *