Qareen u dhashay ingiriiska oo la wareegaya dacwadda ka dhanka ah Philomena Mwilu

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa garyaqaan dhalasho ahaan ka soo jeedo ingiriiska , Khawar Qureshi u soo magacaabay inuu dhageysto dacwad la xariirta ku takriifal awoodeed oo ay wajahayso ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu.
Arrintan ayuu u sheegay xubnaha guddiga aqalksa sare ee qaabilsan dastuurka iyo arrimaha sharciga.
Waxaa uu Nuurdiin Sheegay inuu doorbiday in la howlgeliyo la taliyaha boqoradda ingiriiska si aynan cabasho uga dhalan.
Kiiska ay wajaheyso Mwilu ayuu ku tilmaamay mid xasaasi ah sidaasi awgeedna uu jecleeysay inuu eego garyaqaan aanan hadow lagu eedeyn karin garab siin siyaasadeed iyo eexasho.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *