Xubin uu soo magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo iscasilay

Axmed Aadan Carab oo kamid ah Guddiga Khilaafka Baarlamaanka Puntland ee uu magacaabay Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa ku dhawaaqay in uu xubinimadii uu iska casilay.
Waxa uu sheegay in uu maqlay isaga oo ku sugan Gurigiisa in lagu daray xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka Puntland,isla markaana aan wax wadatashi ah lagala yeelan.
Isaga shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Garoowe ayuu sheegay in Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland uu Magacaabistooda xaq u leeyahay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Waxa uu sheegay in isagu uusan aqbaleyn wax ka hor-imaanaya Dastuurka Puntland,isla markaana uu ka soo horjeedo in uu ku dhaqaaqo waxyaabo horseedaya khilaafka Madxda Dowlad Goboleedka Puntland.
Shirka Jaraa’id ee Axmed Aadan Carab.
Axmed Aadan Carab Yuusuf oo lahadlay SBC oo ka mid ahaa guddiga Khilaafaadka Baarlamanka Puntland ee Madaxweyne Ku-xigeen Cabdixakiim Camey magacaabay ayaa xubinnimadii guddidaasi iska casiley.
“Dawladda Fadaraalka ku’eedeyey inay Puntland Fara galin kuhayso.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *