Marwada koowaad ee dalka oo abaalmarin la guddoonsiiyay

Marwada koowaad ee dalka Mrs. Margaret Kenyatta ayaa ku guuleysatay abaalmarinta bariga Afrika ee loo yaqaano Lifetime Achievement Award .
Waxaa lagu aqoonsaday dadaalka ay ku bixisay ka hortagga umul raaca.
Mrs. Kenyatta ayaa wadda barnaamij loogu magacdaray Beyond Zero.
Sido kale marwada koowaad ee dalka ayaa lagu sharfay inay dadaal dheeraad ah ku bixisay sida lagu yareyn karo dhacdooyinka ay kooyooyinka uurka leh firuusiga keena cudurka AIDS- ka ee HIV-da ugu gudbiyaan carruurtooda.
Abaalmarintan ayay qaadatay galinkii dambe ee shalay xili ay marti sharaf ka ahayd xaflad ay magaaladatani Nairobi ku qabatay hay’adda EY Group.
Madaxa fulinta ee hay’adda ,Gitahi Gachachi ayaa marwada koowaad ee dalka ku tilmaamay haweeney la doonayo in caalamka looga daydo maadaama dadaaladeeda ay wax ka bedeleen noolosha malaayiin kenyaan ah.
Billadda EY Lifetime Achievement Award ayaa la siiyaa cid waliba oo bilowday barnaamij gaar ah oo ka wax ka bedelay noolosha aadanaha.
Abaalmarinta ayaa ka mid ah kuwo badan oo ay Mrs. Margaret Kenyatta heshay 5-tii sano ee la soo dhaafay .
Waxaa ka mid ah in sannadii 2014-kii qaramada midoobay ay u aqoonsatay shakhsiga sannadka.
Abaalmarintan ayaa leh qeyb sido kale la guddoonsiiyo dadka horumarka ka gaaray ganacsiga waxaana 2012-kii ku guuleystay madaxa fulinta ee bangiga Equity Dr. James Mwangi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *