Agaasimaha shirkadda Kenya Pipeline oo la xiray

Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay agaasimaha guud ee shirkadda dowlada u qaabilsan qeybinta shidaalka ee Kenya Pipeline, Joe Sang iyo afar sarkaal oo kale.
Saraakiisha kale ee la xiray ayaa kala ah xoghayaha shirkadda Gloria Khafafa, madaxa soo iibsashada qalabka Vincent Cheruiyot, maamulaha wax soo iibsiga ,Nicholas Gitobu iyo maareeyaha guud ee kaabayaasha Billy Aseka.
Waxaa dhammaantood loo haystaa fadeexad lagu lunsaday 9 bilyan oo shilin.
Tallaabada mas’uuliyiintan lagu xiray kadib ayuu xoghayaha wasaaradda shidaalka ee dalka Andrew Kamau shaaciyay in xilkii uu hayay Mr Sang uu si ku meel gaar ah ula wareegayo Mr Hudson Andambi .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *