Ammaanka Mombasa oo la adkeeyay

Iyadoo lagu guda jiro bisha Disembar ee dhammaadka sannadka 2018-ka ayaa waxaa si wayn loo adkeeyay amniga magaalada Mombasa ee gobolka xeebta.
Laamaha ammaanka ee ismaamulkaaasi ayaa ku dadaalaya inaysan wax dhibaato ah soo gaarin shacabka iyo dalxiisayaasha caalamiga ee inta badan xiligan wadanka yimaada.
Barasaabka maamul goboleedka Mombasa Cali Xassan Joho iyo guddoomiyaha dowlad degaankaasi u qaabilsan dowlada dhexe Evans Achoki ayaa labaduba hoosta ka xariiqay inay jiraan falal amniga liddi ku ah oo laga soo tabiyay qeybo ka mid ah degaanadaasi sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in amniga la xoojiyo.
Cali Xassan Joho ayaa tusaale u soo qaatay koox burcad ah oo la magacbaxday Wakali Kwanza oo dhibaateeya shacabka degaanka Kisauni, degmada Likoni waxaa laga cabanaya kooxda Wajukuu wa Bibi.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in la joogo xiligii mas’uuliyiinta ay isweydiin lahayeen maxaa dhalinyarada ku qaada arrimaha burcadnimada maadama sida uu hadalka u dhigay ay jiraan kuwo kale oo laga cabsi qabo inay isa soo abaabulaan.
Mr. Evans Achoki ayaa dhankiisa sheegay in laamaha ammaanka ay si gaar ah isha ugu hayaan goobaha halista ah ee ay horay uga dhaceen falal dambiyeedyada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *