Baarlamaanka oo dib u dhigay hindisa sharciyeed ku saabsan kordhinta gunnooyinka mudanayaasha

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa shalay dib u dhigay dood ay yeelan lahayeen oo ku aaddan in loo kordhiyo lacagaha gunnooyinka ah ee au qaataan.
Hindisa sharciyeedkan ayaa waxaa soo saaray guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC.
Toddobaadkii hore ayaa markii ugu horeysay la akhriyay iyadoo mudanayaasha qaar ay sheegeen inaysan marnaba ka gaabin doonin in ay u ololeyaan ka shaqeynta daryeelkooda sida gunnooyinka m caymis caafimaad oo la ballaariyay iyo amaahda la xariirta baabuurta.
Shalay ayaa lagu wada in hindisa sharciyeedkan markii labaad laga hor akhriyo baarlamaanka balse waxay micnaheedu tahay in la eegi doono bisha labaad ee sannadka 2019-ka kadib markii xildhibaanada ay fasax ka soo laabtaan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan mudanayaasha baarlamaanka u dhaliilay dadaalka ay ugu jiraan inay helaan gunnooyin dheeraad ah wuxuuna wacad ku maray inuusan meel marin doonin
Hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa , Raila Odinga ayaa sido kale sheegay in xildhibaanada laga doonayo inay qiimeyn ku sameyaan xaaladda dhaqaale ee dalka oo ay dib uga laabtaan rabitaankooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *