Dacwad ka dhan ah ku xigeenka madaxa cadaaladda oo dib loo dhigay

Maxkamadda sare ee dalka ayaa shalay dib u dhigtay dhageysiga arrimo dhowr ah oo lagu eedeyay ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Mrs. Philoma Mwilu.
Waxaa loo haystaa ku takriifal awoodeed iyo inaysan lacago canshuur ah bixin sido kalena ay ka tallaabsatay sharciga dalka u yaallo.
In dhageysiga dacwadda dib loo dhigo ilaa iyo 17-ka bisha jannaayo ee sannadka soo socdo waxaa waxaa keenay muran ka dhashay sarkaal uu soo xusha agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Mr. Nuurdiin Xaaji.
Qareenada haweeneydan u doodaya oo uu ka mid yahay senetarka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa shalay ka soo horjeestay magacaabidda garyaqaan Khawar Qureshi oo uu Nuurdiin rumeysanyahay inuu si madax bannaan u maarayn karo.
Prof. Qureshi ayaa howlaha qareennimo ku soo biiray sannadii 1990-kii halka 1993-dii uu ahaa garyaqaankii ugu da’ada yaraa ee ka howlgalo maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ.
Maxkamadda ayaa eegeysay in dacwadda Mwilu loo haysto dhageysigeeda la sii wadayo iyo in kale.
Mr. Orengo ayaa maxkamadda u sheegay in agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka uunan awood dastuuri ah u lahayn inuu soo magacaabo qareen shisheeye.
Hasa ahaate saraakiisha waaxda dacwad oogidda oo ay hor kacayso Dorcas Oduor ayaa su’aal geliyay in 5 garsoore oo la soo magacaabay ay awood u leeyihiin inay dhageystaan kiiska hor yaalla.
Garsoorayaashan ayaa kala ah Hellen Omondi, Mumbi Ngugi, William Musyoka, Francis Tuiyot iyo Chacha Mwita.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mr. Paul Kihara oo uu matalayo qareenka lagu magacaabo Immanuel Mbita ayaa dhankiisa sheegay in Mr. Qureshi lagu soo magacaabay si sharci ah.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in waaxda dacwad oogidda muddo dheeraad ah loo siiyo inay go’aankeeda wax uga bedesho.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *