Dowlada Suudaan iyo mucaaradka oo la filayo inay heshiiyaan

Dowlada Suudaan ayaa la filaya inay si kama dambeys ah ula heshiiso mucaaradka ka soo horjeeda.
Shalay ayay ahayd markii wakiilo matalaya xukuumada Khartoum iyo laba koox oo ka mid ah fallaagada ka dagaalanta gobolka Darfur ay isku afgarteen inay dib u billowdaan wada hadalada nabadeed.
Isfahankan ayaa lagu saxiixday magaalada Berlin ee Jarmalka.
Labada dhinac ayaa isku afgartay inay wada hadalo ku yeeshaan dalka Qatar bisha koowaad ee sannadka cusub sida lagu xusay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka ,Heiko Mass ayaa heshiiskan soo dhaweeyay .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *