Dowladda oo 30 bilyan u qoondeysay horumarinta xirfadaha

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dowlada ay dhaqaale gaaraya 30 bilyan oo shilin ugu talagashay sidii dhalinyarada looga soo dhisi lahaa dhanka xirfadaha ay ku shaqeysan karaan.
Qarashaadkan ayaa lagu taageeraya machadyada lagu barto farsamada si da’ayarta ay ugu suuragasho inay ganacsi sameystaan.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta xirfadaha shaqo oo xoogga la saaro ay kaalin weyn ka qaadan karto in dowlada ay ka dhabeyso qorshayaasha ugu waweyn ee ay kenyaanka u ballanqaaday inay wax ka qabaneyso.
Ajeendayaashan ayaa kala ah helidd adeegyo caafimaad oo dhameystiran, guriyeynta, wax soo saarka iyo la tacaalidda cunno yarida.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in miisaaniyaddan muddo saddex sano ah lagu taageeri doono machadyada farsamada iyo waaxda qarab ee adeegga dhalinyarada ee NYS.
Hadalkan ayuu madaxweynaha jeediyay xili uu si rasmi ah u furay tababarada uu sannadkan bixinayo bangiga dowlada ee KCB.
Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha, dhalinyarada iyo jinsiyadda Prof. Margaret Kobia ayaa sheegtay in dowlada ay ku guda jirto in la soo saaro xeer fududeynaya inuu iskaashi kala dhexeyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay si loo hirgeliyo barnaamijyo dhalinyarada lagu horumarin karo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *