Guddoomiyaha Nairobi oo ku baaqay inaan la siyaasadeynin dib u habeynta caasimadda

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa senetarka dowlad degaanka Johnson Sakaja ka codsaday inuusan siyaasad ka dhigin dadaalka lagu doonayo in lagu xalliyo zaxmadda dhanka baabuurta.
Dhawaan ayay ahayd markii Mike Sonko uu gaadiidka dadweynaha ka mamnuucay farasmagaalaha taasi oo ay saameyn ka dhalatay.
Sido kale senetarka Nairobi Mr. Sakaja ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu go’aankaasi uga soo horjeedo.
In kastoo hal maalin kadib markii uu amarkaasi dhaqangalay uu Sonko dib uga laabtay haddana wuxuu ku adkeysanaya inay lagama maarmaan tahay.
Guddoomiyaha Nairobi ayaa ku nuuxnuuxsaday in marnaba aanan laga hor istaagi karin fulinta barnaamijyada iyo mashariicda xal u noqonaya dhibaatooyinka jira xita hadii siyaasiyiinta kale ay kaga soo horjeestaan

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *