Madaxa sirdoonka Turkiga oo ka hadlay dilkii Jamal Khashoggi

Sarkaalka ugu sareeya waaxda sirdoonka dalka Turkiga ,Hakan Fidan ayaa qaar ka mid ah senetarada Maraykanka faahfaahin ka siiyay baaritaanada ku aaddan dilkii wariye Jamal Khashoggi.
Suxufigan oo u dhashay Sacuudiga ayaa labadii bishii tobonaad ee sannadkan lagu dhex dilay qunsuliyadda xukuumadda Riyaadh ee magaalada Istanbul.
Waxyaabaha uu ka hadlay madaxa sirdoonka ee Turkiga ayaa la filaya inay senetarada u suurtageliyaan inay sii xoojiyaan go’aanka ay ka qaadanayaan eedeynta loo soo jeediyay dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamad Bin Salmaan oo ahayd inuu bixiyay amarkii Khashoggi looga takhalusay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *