Maxkamadda oo wasiirkii hore ee cayaaraha u ogolaatay inuu dalka dibaddiisa u safro

Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaaladatani Nairobi ayaa maanta wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha haatanna safiir ah Xassan Wario u fasaxday inuu u safro wadanka Austria si uu u sii wato howlihiisa shaqo sido kalena ugu biiro qoyskiisa.
Hasa ahaate waxaa Wario lagu amray inuu baasaboorkiisa soo celiyo 10-ka bisha Jannaayo ee sannadka 2019-ka.
Xassan Wario, ayaa horay loogu siidaayay damiin lacageed oo ah 2 milyan waxaana lagala wareegay dokumeentiyada muhiimka ah ee uu ku safri karo .
Maxkamadda ayaa tallaabooyinkan qaaday kadib markii mas’uulkan lagu soo oogay ilaa iyo lix dacwadood oo ay ka mid tahay ku takriifal awoodeed.
Sido kale maxkamadda ayaa xabsi laba sano ah ku xukuntay Joy Gwendo oo horay baarlamaanka ugu biirtay si magacaabid ah.
Ms Gwendo ayaa loo haystaa inay xilkeeda si aanan habboonayn u adeegsatay halka ay ku guuldareysatay inay bixiso dayn ag 1.7 milyan oo ay dowladu ku leedahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *