Maxkamadda Rwanda oo wax dembi ah ku waysay haweeney dhaliisha Kagame

Maxkamad ku taallo wadanka Rwanda ayaa siidaysay Mrs. Diane Rwigara oo ka mid ah siyaasiyiinta garabka mucaaradka kadib markii lagu waayay wax dembi ah.
Haweeneydan oo si aad ah u dhaliisha maamulka madaxweyne Paul Kagame ayaa loo haysta inay isbedel aanan habboonayn ku sameysay dokumeentiyo muhiim ah.
Mrs. Rwigara oo 37 sano jir ahaa ayaa xabsiga loo taxaabay bishii sagalaad ee sannadkii hore.
Xiligaasi ayaa loo diiday inay loolan u gasho madaxtinimada Rwanda maadaama lagu eedeyay inay farsameysay saxiixyada tageerayaasheeda.
Sido kale waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay kicisay dareenka tageerayaasheeda si ay Kagame u dhaliilaan.
Guddi ka kooban saddex garsoorayaal ah oo dhageysatay arrimihii loo haystay ayaa sheegay in saraakiisha dacwad soo oogidda aysan soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *