Qaramada midoobay oo diiday qaraar lagu cambaareeyay Xamaas

Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa dhinac isaga dhigay qaraar uu Maraykanka la yimid oo lagu doonayo in lagu cambaareeyo ururka Xamaas ee Falastiin.
Qaraarkan oo ay israa’iil taageertay ayaa shalay u baahnaa saddex meelood laba meel aqlabiyadda xubnaha si loo ansaxiyo.
Hasa ahaate waxaa u codeeyay 87 wadan halka 57 ay ka soo horjeesteen waxaana ka aamusay soddon iyo saddex dal.
Sharicgan ayaa waxaa golaha horkeentay ergeyga Maraykanka u qaabilsan qaramada midoobay Nikki Haley.
Kooxda Xamaas ayaa soo dhaweysay in qaraarka ka dhanka ahaa uunan meel marin micnaheeduna ay tahay dharbaaxo soo gaartay maamulka Trump.
Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in inkastoo aan la helin aqlabiyadii loo baahnaa haddana in ay tahay markii ugu horeysay ee si wayn looga soo horjeesto Xamaas.
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Heather Nauert uu u magacaabo safiirka Maraykanka u matasha jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Bishii Oktoobar ee sannadkan ayay ahayd markii Nikki Haley oo hadda safiiradda ah ay shaacisay inay xafiiska banneyn doonto dabayaaqada sannadkan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *